U bood dhigaalka

Ciyaartooyda Galmudug iyo Hirshabeelle oo la Guddoonsiiyay Abaalmarinno ay Lacag kujirto

Sheeko:Cayaaraha, War

Munaasabado kala duwan oo ka kala dhacay Muqdisho iyo Dhuusamareeb ayaa abaalmarinno ay ku jireen qaar lacageed waxaa la guddoonsiyay cayaartoyda Galmudug iyo Hirshabelle, kuwaas oo soo xiray tartanka dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir.

Munaasabad Ballaaran oo ka dhacday xarunta madaxtooyada Dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxa loo sameeyay ciyaartooydii ku guuleysatay tartanka dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka, iyagoo shalay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.


Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, mas’uuliyiin ka kala tirsan goleyaashaayaa iyo marti-shafar kale ayaa ka qeybb gashay munaasabad, waxaana halkaas lagu guddoonsiiyay abaalmarin lacageed oo dhan $30,000.

Kooxda kubadda cagta Galmudug ayaa 29-kii January ku guuleysatay tartanka dowlad goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir, waxaana ay ka qaadeen dhiggooda Hirshabeelle, waxaana uu ahaa koobkii ugu horeeyay oo ay Galmudug qaado tan iyo bilaabashadiisa.

Sidoo kale kooxda Hirshabeelle oo tartanka ka gashay kaalinta labaad ayaa la guddonsiiyay 20,000, taas oo aheyd ballanqaadkii xildhibaan Maxamed Abuukar Du’aale Isloow, waxaana uu ciyaartooyda ugu baaqay in dadaalkooda ay halkaas kasii wadaan ciyaartooyda.

Garoonka Stadium Muqdisho midka ka baaxadda weyn kuwa yaalla Yurub ayaa sanadkaan ahaa mid aad indhaha caalamka ugu soojeediyay tartan taageerayaasha ayaa ahaa kuwa shidayay shumaca Muqdisho Stadium, halagu kala batee Tuulada ciyaaraha sida loo yimid.