U bood dhigaalka

Goleyaasha Baarlamaanka oo Wadajir Uga Dooday Dib u Eegista Dastuurka iyo Waxkabedelkiisa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed (Madoobe) ayaan shir guddoomiyay kulanka 11-aad ee labada gole BJFS, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kalfadhiga afaraad kulanka 11-aad ee labada aqal ayaa maanta ajandihiisu ahaa dib u eegista dastuurka:

(B) Qeybinta nuqulka soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka iyo warbxinta la socodka guddiga.

(T) Qeybinta shintiriska jadwalka dooda.

(J) Warbixinta guddiga dib u eegista iyo la socodka hirgelinta Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada labada aqalka ee BJFS oo ka dooday mabaadi’da guud ee cutubyadda dastuurka ayaa soo jeediyeen in la ilaaliyo waqtiga rasmiga ah ee loogu talagalay jadwalka dooda, waxaa ayna Xildhibaannadu tilmaameen in lala tashado bulshada qeybaheeda kala duwan, lana dhageysto aragtiyada wax galka ah ee ay soo gudbinayaan.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in maanta kulanka uu yahay mabaadi’da guud Xildhibaannada ay talooyinkooda muhiim tahay, waxaana uu Guddoomiyuhu sheegay in dooda dastuurka ay bilaabaneyso kulanka xiga ee wadajirka ah.