U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Xasaasiga ah ee Baalamaanka Labadiisa Gole?

Baarlaamaanka labadiisa gole ayaa maanta kulan ku leh xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, waxaana ay sii anboqaadaan ka doodista iyo waxkabedelka Dastuurka dalka, xilli lasoo gabagabeeyay cutubkiisa koowaad.

Baarlamaanka labadiisa gole ayaa hore usoo gabagabeeyay ka doodista iyo in sidii wax looga bedeli lahaa, waxaana hadda uu ka koobnaa 9 qodob, kuwaas oo maalmo badan xildhibaannada ay kawada doodayeen cutibkaasi.

Baarlamaanka ayaa maanta doodooda ka bilaabaya cutubka labaad qodobka 10-aad ee Dastuurka kaas oo ka hadlaya Karaamada qofka, dowladda ayaa hore u sheegtay in sanadkaan 2024 lasoo gabagabeyn doono dastuurka dalka.