U bood dhigaalka

Kooxda Xuutiyiinta oo Shaacisay in Maraakiib Mareykanku Leeyahay ay Weerareen

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in ay weerar ku qaadeen laba markab oo midkood uu yahay markab dagaal oo laga leeyahay Mareykanka, halka mid mid kalena uu ku sii jeeday Israa’iil.

Afhayeenka garabka milatariga kooxda Xuutiyiinta yaxye saree ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in markab xamuul ah oo uu ka dul babanaya calanka Liberia, laguna magacaabo Transworld Navigator ay si toos ah gantaalada ballistic-ga ugu garaaceen, asagoo maraya badda Carabta.

Markabka waxaa la beegsaday sababtoo ah shirkadda iska leh ayaa ku xadgudubtay mamnuucida soo galitaanka dekedaha la haysto ee Falastiin,” ayuu yiri yaxye saree, isaga oo tilmaamay in dhammaan maraakiibta u socda Israa’iil ay bartilmaameedsan doonaan.

Saree ayaa sidoo kale sheegtay in weerar loo adeegsaday gantaalada ballistic-ga iyo kuwa loo yaqaan cruise-ka ay ku qaadeen markabka militari ee USS Eisenhower, kaasoo hogaaminayay howl-galada ciidamada badda Mareykanka ee gobolka tan iyo markii uu bilowday dagaalka marinka Qasa.

Weeraradan ayaa ku soo beegmaya xilli uu dhowaan degay markab lagu magacaabo MV Tutor, kaas oo gantaallo lagu garaacsy ayay sababeen inuu dab qabsado, waxaana muuqanaysa in kooxdu ay laba laabeen weerarada ka dhanka ah maraakiibta xariirka la leh Israa’iil iyo Mareykanka.