Shirkadaha Diyaaraha oo Gabi Ahaan Joojiyay Duulimaadyada Bariga Dhexe iyo Cabsida Jirta
Xilli ay sii kordhayso xiisadda gobolka bariga dhexe ayaa waxaa arrintaas ka dhashay walaac nabad-galyo oo baaxad leh iyo hoos u dhac dhaqaale, sidoo isku socodkii iyo duulimaadyadii dalalka qaar tagi jirey ayaa hakad galay, cabsi laga qabo dagaal halkaas ka qarxa awgeed.
Britain iyo Masar ayaa Shirkaddooda Duullimaadyada ku wargeliyay inay ka fogaadaan hawada Iran iyo Lubnaan, xilli ay sii kordhayso cabsida laga qabo inay suurtogal tahay isku dhac ballaaran oo ka dhaca gobolka, ka dib markii la dilay xubno sare oo ka tirsan ururrada ah ee Xamaas iyo Xisbullah.
La-taliyaha Shirkada diyaaradaha Britain ayaa ku baaqay in laga fogaado hawada Lubnaan, saacado ka dib markii Masar ay ku amartay dhammaan shirkadaheeda duulimaadyada inaysan marin hawada Iran laga billaabo subaxnimada Khamiista, ayadoo laga cabsi qabo falcelin ay iiraan ka bixiso dilkii Ismaaciil haniyah.
Sidoo kale shirkadda duulimaadyada Lufthansa ee dalka Jarmalka laga leeyahay ayaa ku dhawaaqday inay joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay maamulka Israa’iil, dowlaha qaar ayaa ayaguna muwaadiniintooda ugu baaqay inay dalalkaas si deg deg ah uga soo baxaan.