U bood dhigaalka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle oo shir guddoomiyay Kulan looga hadlayay u gurmashada dadkii ku Hanti beelay dabkii Suuqa Jowhar.

Sheeko:War

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa guddoomiyey shir loogu gurmanayo ganacsatadii ku hantibeelay dabkii ka kacay Suuqa Magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Kulankaan waxaa goobjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed, iyo masuuliyiin kale, waxaana Warbixino looga dhageystay Wasiirada Arrimaha Guddaha, Ganacsiga, Gargaarka iyo Sidoo kale Guddiga Ganacsatada dhibka gaaray.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo goobta ka hadlay ayaa sheegay dadka ku ganacsanayay suuqa hanti-wadaag ay soo gaartay dhibaato weyn oo ay ku ceytoobeen dabkii ka kacay suuqa.

Dadkii ku hanti beelay suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar, hadda waa ceyr aan waxba heysan ,anaga iyo Hey’adda SoDMA waxaan u istaagnay in si deg deg ah loogu gurmado dadkaas, sidoo kale waaxana dalbaneynaa in la garab istaago dadka masaakiinta ah ee ku hanti beelay musiibada ayuu yiri “Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)