U bood dhigaalka

Muxuu yahay gefka uu Raali-gelinta ka bixiyay Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ?.

Sheeko:War

Danjiraha dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis ayaa raali-gelin buuxda ka bixiyay hadal uu dhowaan yiri oo ay dowladda Soomaaliya si weyn uga carootay, islamarkaana ku tilmaamtay wax aan sinaba loo aqbali karin.

Hadalka Safiirka uu jeediyay ee wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay gefka ku tilmaamtay ayaa ahaa Soomaaliya iyo Soomaaliland oo danjiruhu uu sida labada dal u dhigey, islamarkaana isla simay, kaas oo loo fasirtay xagdub ka dhan ah midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Safiirka ayaa sheegay inuu hadalkaas raali-gelin ka bixinayo, islamarkaana dowladda Ingiriiska ay si buuxda u aqoonsantahay midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, ayna ixtiraamayso dal ahaanteeda.