U bood dhigaalka

Dil ka dhacay Xarunta Shirkadda Hormuud ee Bakaaraha

Sheeko:War

Sida ay xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo oo ku sugan xarunta weyn ee Shirkadda Hormuud ee Bakaaraha waxaa maanta ka dhacay rabshado ka dhashay markii laba nin oo hubeysan ay gudaha u galeen xarunta Shirkadda.

Labada nin waxaa la socotay haweenay sheegtay in la soo afduubtay ee laba nin geeyeen Xarunta Hormuud ee Bakaaraha si mobile gacanta ay uga saarto lacagaha ugu jiray taleefanka loogu bixiyo.

Haweenayda ayaa qeylisay markii ay gudaha Shirkadda soo gashay. waxaa xigay in labada Nin ee hubeysan iyo Askarta ilaalada Hormuud ay isku dhacaan.

Ciidanka Ilaalada ayaa toogtay mid ka mid ah raggii hubeysanaa oo wararka qaar ay sheegayaan in ay ka tirsan yihiin Ciidanka Ammaanka. Sidoo kale waxaa baxsaday ninkii kale ee la socday.

Ciidanka Ammaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay Haweenayda sheegtay in lasoo afduubtay iyo Sidoo kale Mooto Bajaajle waday nimanka hubeysanaa.

Xaaladda ayaa wali ah mid kacsan iyadoo Meydka Ninka ay dileen Ciidanka Hormuud loo soo qaaday Xarunta CID.

wali ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Ciidanka Ammaanka iyo Shirkadda Hormuud oo ku saabsanaa dhacdadaan oo argagax ku riday dad badan oo ku sugnaa Gudaha Xarunta ee Shirkadda Hormuud.