Guddoonka golaha Shacabka oo Fasaxay Xildhibaano horay looga mamnuucay kulamada baarlamaanka
Sheeko:Baarlamaanka 11aad

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa dib ugu fasaxay 15-xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka ka qeyb galka fadhiyada guud ee kalfadhiga lixaad.
Xildhibaannadan ayaa hore looga joojiyay ka qeyb galka fadhiyada guud ee golaha ka dib dhacdadii golaha ka dhacday 27-kii bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay,waxa uuna xildhibaanadda kula dardaarmay ilaalinta dastuurka Qaranka, xeer hoosaadka iyo dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.
Xildhibaanada ayaa kala ah:
In dib loogu fasaxay xubnaha hoos ku xusan ka qayb galka fadhiyada Golaha Shacabka ee Kalfadhiga baad laga bilaabo Maalinta Isniinta ah 24ka Febraayo 2025.
- Xil. Xasan Cabdi Ismaaciil;
- Xil. Axmed Maxamuud Jamac;
- Xil. Cabdulqaadir Maxamud Dagane;
- Xil. Saadiq Cabdullahi Cabdi;
- Xil. Axmed Cusmaan Ibraahin Dhaqare;
- Xil. Cumar Yuusuf Galadiid;
- Xil. Cali Mahdi Maxamed Qalato;
- Xil. Cabdirizaaq Xasan Axmed Dhookir,
- Xil. Cabdirashiid Jire Khalinle
- Xil. Cabdinuur Cali Aadan Maxamuud
- Xil. Maxamed Cali Cumar “Caana-nuug”
- Xil. Mowliid Cabdi Maxamuud
- Xil. Cabdulqaadir Xuseen Cabdi “Uurdoox”
- Xil. Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif
- Xil. Maxamed Sheekh Nuur Cusmaan “Garaadka”