U bood dhigaalka

Hay’adda Duulista Rayidka oo Ka Hadashay Xayiraadda Garoonka Baardheere

Sheeko:War

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS) ayaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijisay in uusan jirin wax xayiraad ah oo saaran Garoonka Diyaaradaha ee Baardheere, islamarkaana duulimaadyadu ay si caadi ah u socdaan.

Bayaan kasoo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in wararka la faafinayo ee sheegaya in dowladda federaalka ay xanibtay garoonka aysan sal iyo raad toona lahayn. Hadalkan ayaa yimid kadib markii siyaasiyiin iyo masuuliyiin qaarkood ay ku eedeeyeen dowladda inay xannibaad kusoo rogtay garoonka, taasoo ay sheegeen in ay dhibaato ku tahay shacabka ku nool gobolka Gedo.

Si kastaba ha ahaatee, hay’adda duulista ayaa carrabka ku adkeysay in duulimaadyada Baardheere ay sidoodii u shaqeynayaan, isla markaana aysan jirin wax faragelin ah oo ay dowladda ku sameysay hawlaha garoonka.