U bood dhigaalka

Bahda Tifaftirka: Musharraxa Madaxweynaha Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan Iyo Kaalintiisa Hoggaamineed Ee Ladagaallanka Argaggaxisada Al-Shabaab

Hordhac

Liibaan Axmed Xasan oo ka mid ah musharraxiinta ugu cadcad ee u taagan qabashada xilka madaxweynaha Dawladgoboleedka Galmudug ayaa ka mid ah masuuliyiin ku sugan furimaha hore ee dagaalka ka dhanka ah kooxda al-Shabaab, isagoo muddo toddobaadyo ah jooga gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan degmada Aadanyabaal oo ah mid ka mid ah goobaha ugu muhiimsan ee laga hoggaaminayo howlgallada ka dhanka ah al-Shabaab.

Musharraxa iyo ciidamo xooggan oo uu ka soo hoggaamiyay dhinaca Galmudug ayaa dhowaan gaaray degaananda Hirshabeelle, gaar ahaan magaalooyinka Aadanyabaal, Ceel Cali Axmed iyo Moqokori, halkaas oo uu ka socdo abaabulka guluf xooggan oo ka dhan ah kooxda argaggaxisada ah ee al-Shabaab.

Safarka musharrax Liibaan Axmed Xasan ayaa la xariira in Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa degaanka lagu dhiirrigeliyo u dhabar-adaygidda dagaalka argaggaxisada, wuxuuna musharraxu ciidamada furimaha hore ku sugan u jeediyay khudbado saamayn leh oo dareenkooda difaaca dalka iyo kalsoonidoodaba sare u qaaday.

Muddadii uu Aadanyabaal ku sugnaa, Musharrax Madaxweyne, Mudane Liibaan Axmed Xasan wuxuu safka hoggaaminta dagaalka iyo dhiirrigelinta ciidamada kula jira Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage, Madaxweyne-ku-xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Hagar, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Derajada Kowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Gaashaanle Sare, Xasan Cali Nuur Shuute.

Safarka Musharrax Madaxweyne, Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo ciidamada xooggan ee Galmudug kala yimid ayaa muujiyay ka-go’naashihiisa ladagaallanka argaggaxisada arxanka daran ee al-Shabaab, iyadoo sidoo kale arrintaasi ay dhiirrigelisay in loo midoobo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah.

Midaynta Safafka Dagaalka iyo Guubaabada Ciidamada

Musharraxan oo waaya-aragnimo durugsan u leh ka miradhalinta dadaallada nabadda iyo dagaalka ka dhanka ah argaggaxisada ayay dadka Soomaaliyeed ku ammaaneen safarkiisa nafhurnimada leh ee uu ku joogo furimaha dagaalka, kaas oo uu ku midaynayo safafka ciidamada, kuna dhiirrigalinayo Xoogagga Xoraynta Degaannada Macawiisley; waxaana oraahyadiisa ka mid ahaa: “Waxaan ka imid Galmudug, si aan u mideeyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.”

Ku sugnaantiisa muddada dheer ee furimaha dagaalka ayaa ciidamada iyo dadweynaha Soomaaliyeedba tustay si uu ugu heellan yahay difaaca dalka, isla markaasna uu u yahay hoggaamiye dagaalka argaggaxisada guulo muuqda ka keeni kara, ciidamadana mar walba dhiirrigelin iyo guubaabo la garab taagan.

Kalajaridda Iskuxirnaanta Sahayda Al-Shabaab: Istiraatiijiyad Miradhal Leh

Ka hor intaan guluf dagaal oo xoogga la kooxda al-Shabaab lagula gelin degaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, dagaallamayaasha waxay si fudud ugu kala gooshi jireen Jilib ilaa Mudug, iyagoo gacanta ku hayay magaalooyinka iyo degaanno badan oo istiraatiiji ah, balse Ciidamada Qalabka Sida ayaa arrintaas meesha ka saaray, taas oo dafiicisay isku gudubkii kooxda iyo marinnadii ay sahaydu u mari jirtay, taas oo fududaysay in kooxda laga nadiifiyo inta badan deegaanada Hirshabeelle, taasi waa mid ka mid ah himilooyinka guulaystay ee Musharrax Liibaan Axmed Xasan oo safarro kala duwan ku tagay degaannada laga saaray al-Shabaab iyo jiidda hore ee dagaalka, laga soo billaabo koonfurta gobolka Mudug ilaa cirifka shishe ee Shabeellaha Dhexe.

Oraahyada dhaxalgalka noqday ee laga diiwaangaliyay Musharrax Liibaan Axmed Xasan muddadii uu furimaha joogay, isla markaasna dhaqaajiyay dareenka halgamayaasha Ciidamada Xoogga Dalka iyo Xoogagga Xoraynta Degaannada ee Macawisley, waxaa ka mid ah:

“Waxaan halkaan u nimid in aan xaqiijinno in aysan mar danbe isku gudbi karin. Waa lamahuraan in si buuxda loo kala jaro loona ciribtiro.”

Kor-u-qaadista Niyadda Xoogagga Xoraynta Degaannada ee Macawisleyda

Xoogagga Xoraynta Degaannada ee loo yaqaanno Macawisleydu waxay u dubdhexaad u yihiin guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argaggixisada, iyagoo kaalin wax-ku-ool ah ka qaatay xoraynta magaalooyinka badan oo maanta nabad ah. Haddaba, Musharrax Liibaan Axmed Xasan isaga oo dareensan mudnaantooda iyo dhiirrigelintooda ayuu dhawr jeer carrabka ku adkeeyay intii uu joogay furimaha dagaalka kaalinta weyn ee ay buuxiyeen, taas oo xoojisay kalsoonidooda iyo ka-go’naantooda dagaalka.

Musharraxu wuxuu xoogagga Macawisleyda la wadaagay farriimo muhiimadda ah oo ku qotama midaynta cududdooda iyo ka amarqaadashada hoggaamiyaashooda, isagoo kula dardaarmay inay yeeshaan furfurnaan dagaal iyo niyad xooggan.

Musharrax Madaxweyne Liibaan Axmed Xasan ayaa sidoo kale khudbadihiisa furimaha hore ee dagaalka ku bogaadiyay guulihii laga gaaray dagaalka, taariikhdii laga soo maray, isagoo ku baaqay in wadajir loogu guntado sii wadidda gulufka ka dhanka ah argaggixisada ilaa la xaqiijiyo guusha ugu danbaysa.

Gabagabo: Saamaynta Safarkiisa iyo Samatabixinta Ummadda Soomaaliyeed

Mudane Liibaan Axmed Xasan waa hoggaamiye firfircoon oo ay dhab ka tahay u heellanaanta ilaalinta amniga qaranka, farriintiisuna waxay ku wajahan tahay Ciidamada Qalabka Sida iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed oo uu ugu baaqay inay dawladda ku taageeraan dagaalka lagu dabargoynayo argaggaxisada khawaarijta ee al-Shabaab.

Ugu danbayntii, hadafka Musharrax Madaxweyne, Mudane Liibaan Axmed Xasan waa ka miradhalinta himilada iyo hiigsiga dadweynaha Soomaaliyeed oo ah helidda dal nabad ah oo horumarsan, hagaagsan, dadkiisuna midaysan yahay.