Bisha barakaysan ee Ramadaan waa bil ku suntan naxariis, cibaado iyo denbidhaaf. Waa bil ay quluubta iyo naftuba u laabtaan xagga Rabbigooda, si insaaanku u helo denbidhaaf, towbad iyo hannuun xagga Rabbigiisa uga yimaadda. Eebbe waxa uu addoomadiisa u furaa albaabbadiisa galladda iyo kuwa naxariista, si ay u weydiistaan waxyaabaha ay u baahanyihiin oo ay ka mid yihiin dhaafidda denbiyadii ay Eebbahood ka galeen, ugana tuugaan abaalmarintiisa qiimaha badan oo ay ugu horrayso aragtida jaahiisa iyo la jaalidda Suubbanihiisa.
Bisha Ramadaan waa bil ay ummadda Muslimiinta ah iswada cafiyaan, waa bil ay quluubta dadku isu soo dhowaadaan, waa bil ay dadku iscaawiyaan oo Ilaahay dartiis saddaqo ula baxaan, walaalahooda u baahanna ay ugu kaalmeeyaan. Ramadaanku waa bil wada kulansantay acmaasha bini-aadanku samayn lahaa oo dhan. Waxaa ku jira salaadihii faralka ahaa, sunnooyinkii oo ay ka mid yihiin Taraawiixda iyo Tahajudka, tasbiixdii ayaa ku jirta, waxaa kaloo ku jira ducooyinkii iyo saddaqooyinkii oo isugu jira sakada iyo saddaqada sida caadiga ah ay dadku ula baxaan.
Waxaa noo soo dhammaaday bishii barakadaas oo dhan ku kulansanayd. Bishii ay dadka oo dhan xagga Alle u kala hormari jiray cibaadada, waxaa loo degdegayay masaajidda, si loogu soo oogo salaadaha sunnooyinka iyo kuwa faralka ah. Waxaa noo soo gabagaboobay bishii uu Ilaahay ku sheegay in uu acmaasheeda isagu leeyahay, oo uu addoomadiisa ka abaalmarin doono: “كُلُّ عَمَلِ ابْنِ آدَمَ لَهُ إِلَّا الصِّيَامَ، فَإِنَّهُ لِي وَأَنَا أَجْزِي بِهِ”. Waxaan ku soo dadaalnay, oo habeenno badan u soo jeednay, in aan Eebbe u sheeganno tabashooyinkeenna iyo meelaha aan caawinaadda uga baahannahay, annaga oo rejaynayno in uu Ilaahay naga aqbalo durraamashadeenna. Bisha Ramadaanka dib waxaan isku boorrinaynaa in aan joogtayno falalkii wanwanaagsanaa ee aan bilownay, waxaana Alle-Weyne ka idaynaa in uu nagu garabgalo gudashada acmaashiisa suubban.
Fadliga ku jiro Tobanka Danbe ee Bisha Ramadaan:
Tobanka danbe ee bisha Ramadaan waa maalmo la soo khatimayay cibaado soo socotay muddo bil ah, waa maalmo aan dhexda u xirannay sidii aan u sii labajibbaari laheyn cibaadooyinkii aan soo sammaynay maalmihii hore. Maalmaahan waa maalmo la gaar ah cibaadooyin aad u badan kuwaas oo ay ka mid yihiin qiyaamka salaadda Taajudka ah, ictikaafka ay dadku samaynaayeen oo ay ku negaanayeen masaajidda, iyaga oo ka soo tagaya guryahooda, maalkooda iyo qoysaskooda si ay ugu go’aan cibaadooyinka, oo ay Ilaahay ugu dhowaadaan waxa ay ka soo fogaanayaan waxa kasta oo u keeni lahaa mashquul ama waxyaabo badan oo waqtiga ka qaadi lahaa. Waxaa kaloo intaas dheer in ay bixinayaan saddaqo iyo sakaatul Fidri taas oo la faray in dadka walaalaheenna ee nugul la siiyo.
Tobanka danbe waxaa ku jira habeen ka qiimo badan kun bilood sida uu Eebbe Qur’aankiisa noogu sheegay لَيْلَةُ الْقَدْرِ خَيْرٌ مِّنْ أَلْفِ شَهْرٍ, habeen ka mid ah habeennada ugu fadliga badan ee qof la kulmi karo ee Islaamku gaar la yahay. Waa habeen ka ugu qiimaha badan looguna dadaalka badan yahay inta lagu gudajiro bisha barakeysan ee Ramadaan. Waa habeen kulansaday astaamo badan oo ay ka mid tahay in habeenkaas la soo dejiyay Qur’aanka kariimka ah. Habeenka intaas dhan lagu sifeeyay waa habeenka lagu magacaabo Laylatul Qadri. Qofkii la kulma habeenkaan waxa uu helayaa denbidhaaf, oo waxaa loo cafinayaa denbiyadii uu soo hormarsaday oo dhan مَنْ قَامَ لَيْلَةَ الْقَدْرِ إِيمَانًا وَاحْتِسَابًا، غُفِرَ لَهُ مَا تَقَدَّمَ مِنْ ذَنْبِهِ”, waxa uu, sidoo kale, Eebbe ka xorayn doonaa Naarta, fadliga habeenkaas ku jira awgiis.
Habeenka Laylatul Qadriga waxaa inta badan la weriyaa in uu ku jiro habeennada soo galaya tirooyinka isdhaafka ah ama kisiga ah. waxaa la sheegaa Rasuulka SCW in uu aad ugu dadaali jiray qiyaamka maalmaha danbe ee Ramadaanka, habeenkii wuu toosi jiray waxa uuna toosin jiray Qoyskiisa si ay u labajibbaaraan cibaadada ayna ugu faa’iidaystaan habeennadaan barakaysan. Maalmahaan waxaa aad loogu wada dadaalay in laga faa’iidaysto maadaama ay sannadkiiba halmar ina soo maraan.
Bulshada iyo Lafalgalkeeda Tobanka Maalmood Ee Danbe:
Bulshada Soomaaliyeed waxa ay bisha Ramadaan u sagootiyaan si weyn, iyaga oo ula falgalay in ay ilaaliyaan cibaadooyinka, ka fogaadaan waxyaabaha xumaanta ah. Waxaa aad u muuqday in ay si weyn iskula falgalaan bulshada iyaga oo isla dhex maraya dhammaan wax kasta oo dadka isku keeni karo, hadday noqon lahayd, wadashaqayn ganacsi, isdhexgal cibaado iyo mid wada shaqayn ah.
Intii lagu guda jiray maalmahaan waxaa muuqatay firfircooni dhanka bulshada iyo wadashaqanteeda ah, waxaan arkaynay iyada oo goobaha ganacsiyada la soo buuxdhaafinayo si la isugu diyaaro maalmaha farxaddeed ee Ciidul Fidri. Waxaan arkaynay in dhallinyarada, carruurta iyo cirrooluhuba ay isu wada diyaarinayaan maalmaha Ciidda, iyaga oo raba in ay ka faa’iidaystaan farxadda maalinta Ciidda ah.
Waxa ay gaarka la yihiin Tobanka Danbe ee Bisha Ramadaan:
- Maalmahan waxaa ku jiray habeenkii weynaa ee lagu magacaabayay “Laylatul Qadri”.
- Waxa ay, sidoo kale, la gaar ahaayeen in ay yihiin maalmo uu Eebbe addoomadiisa naarta ka xoraynayay.
- Maalmahaan danbe dadku waxa ay ka guurayeen guryahooda, iyaga oo la gaar noqonayay cibaadooyinka iyo xuska iyo digriga Eebbe oo ay samaynayeen ictikaaf.
- Maalmahan waxaa habeenkii saqda dhexe loo istaagayay qiyaamka salaadda sunnada ah ee Taajudka.
- Waxa ay ahaayeen maalmo ay ku jiraan: naxariis, denbidhaaf iyo Ilaah-u–dhowaansho.