Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta fadhigoodii caadiga ahaa ku ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee ku aaddan magacaabista Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Xilkan muhiimka ah ayaa loo igmaday Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo ah sargaal waaya-arag ah, horayna usoo noqday Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Magacaabista Xaamud ayaa ka dhalatay xil ka qaadis lagu sameeyey General Mahad Cabdiraxmaan Aadan, kaas oo muddo soo hayey hoggaanka ciidankaas.
General Mahad, oo ah sodogga Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa xil ka qaadistiisa loo arkaa mid salka ku haysa xiisadda siyaasadeed ee muddooyinkii dambe u dhaxaysay dowladda dhexe iyo maamulka Koonfur Galbeed.