U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in la adkeeyay amniga Baydhabo, xilli ay ciidanka DFS kaabaiga u joogaan

Maarso 30, 2026

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan Booliisku ay si buuxda u sugayaan amniga guud ahaan ee magaalada Baydhabo, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay qorshe looga hortagayo tillaabooyinka ay qaadayso DFS.

Ilo wareedyo amni ayaa sheegay in ciidamadu ay si joogto ah uga howlgalaan xaafadaha kala duwan ee Baydhabo, iyagoo kordhiyay feejignaanta iyo kormeerka si looga hortago falal amni darro.

Dhanka kale, ciidamada dowladda federaalka ayaa howlgallo ka wada duleedyada magaalada, kuwaas oo lagu doonayo in tallaabo looga qaado madaxda maamulkaas oo dhowaan dib isku doortay.

xaaladda guud ee Baydhabo ay hadda deggan, isla markaana ma jiraan wax qalalaase ah oo ka jira gudaha magaalada, inkastoo laga cabsi qabo dagaal ka qarxa halkaas.