Qormadii koowaad ee Loollanka Diimaha waxaan ku xusay saddexda dawladood ee horkacaya dagaalka Bariga Dhexe inay hoggaaminayaan kooxo diineed oo xagjir ahi. Waa Injiiliyiinta Borotastanka ah, oo majaraha u haya xukuumadda Maraykanka; Sahyuuniyiinta diineed, oo hoggaaminaya xukuumadda Israa’iil; iyo Shiicada Imaamiyada 12leyda ah, oo maamula dalka Iiraan.
Qodabbada maanta waxaan ku faaqidaya Sahyuuniyadda Diineed, ee xilligan ka talisa Israa’iil, taas oo si weyn uga xagjirsan Sahyuuniyaddii calmaaniga ahayd, ee aasaastay Israa’iil.
- Sahyuuniyaddu (Zionism) waa dhaqdhaqaaq siyaasadeed iyo mid qawmiyadeed oo Yurub ka soo baxay dhammaadka qarnigii sagaal iyo tobnaad (1897). Dhaqdhaqaaqan yoolkiisu wuxuu ahaa in Yuhuudda dunida ku filiqsan waddan looga sameeyo Falasdiin. Sahyuuniyiinta oo cuskanaya sababo taariikheed iyo kuwo diineed, isla markaana doonayay inay soo afjaraan ugaadhsigii iyo nacaybkii ay dadkoodu Yurub ku qabeen, ayaa ku qanciyay quwadihii waaweynaa inay taageeraan hayaankii Yuhuudda ee dhulka Falasdiin. Hayaankaas waxa ka dhashay dhismihii dawladda Israa’iil ee sannadkii 1948kii.
- Sahyuuniyadda Diineed (Religious Zionism) waa qulqul fikir iyo mid siyaasadeed oo isku badhxay qawminimada Yuhuudda iyo shareecada diinta, kuwaas oo lid ku ah Sahyuuniyadda calmaaniga ah. Sahyuuniyadda diiniga ahi uma aragto dawladda Israa’iil inuu xilkeedu yahay gabbaadsiinta Yuhuudda iyo horumarintooda oo keliya, ee waxay u arkaan dhalashada dawladda Israa’iil inay tahay wax ka weyn dhacdo siyaaasi ah, ee ay tahay “bilowga samatabaxa diineed” ee shacabka Yuhuudda. Dawladdu waxay ka aamminsan yihiin inay tahay agab uu Alle u adeegsanayo xaqiijinta ballamaha ku qoran Tawraad. Sidaa darteed waxay doonayaan xeerarka diintu inay ka gacansarreeyaan xeerarka dadsameega ah.
- Ajandaha Sahyuuniyadda Diineed wuxuu ku dhisan yahay saddex qodob oo kala ah: (A) Qabsashada dhulka Falasdiin ee taariikhiga ahi inuu yahay waajib diineed muqaddas ah oo aan laga tanaasulayn, gaar ahaan Daanta Galbeed (oo ay u yaqaannaan Yahuudaa iyo Saamira); (B) Dedejinta deegaamaynta dhulka Falasdiin iyo qabsashada masaajidka Aqsa (buurta Haykalku) inay tahay tallaabo lamahuraan ah, oo soo dedejinaysa imaatinka Masiixa la sugayo iyo dhismaha Haykalka; (C) Muqaddasnimada dagaalka Falasdiiniyiinta iyo muslimiinta ka dhanka ah, oo ay u arkaan dagaal diineed, oo ay kula jiraan dad diiddan “xaqa iyo ballanqaadka” uu Alle iyaga siiyay.
- Aragtiyaha Sahyuuniyadda Diineed waxay ahaayeen kuwo ku kooban doodaha fikirka iyo xisbiyo gaar ah, balse sannadkii 2022 ayay wax kastaa isbeddeleen, kadib markii ay isbahaysiga Netanyaahuu ku biireen, kadibna ay xukuumadda xilal waaweyn ka qabteen. Isbahaysigii dhexmaray xisbiga “Likuud” ee uu Netanyaahuu hoggaamiyo iyo gaashaanbuurta “Sahyuuniyadda Diineed” ee uu hoggaamiyo Bitsaliil Samoodrij (Bezalel Smotrich) waxa ka dhashay xukuumadii ugu xagjirsanayd, ee soo marta taariikhda Israa’iil.
- Hoggaamiyaha xisbiga “Sahyuuniyadda Diineed” Bitsaliil Samoodrij (Bezalel Smotrich) waxa laga dhigay Wasiirka Maaliyadda, isla markaana ah Wasiirka Difaaca. Waxa la siiyay awoodo balaadhan, oo uu Daanta Galbeed kaga dhisayo deegaamayn cusub, kuwii hore u jirayna uu ku sharciyaynayo. Hoggaamiyaha xisbiga “Awoodda Yuhuudda” Iitamaar bin-Gafiir (Itamar Ben-Gvir) waxa laga dhigay Wasiirka Amniga Qaranka. Wuxuu caan ku hayay falalka iyo hadallada cunsuriyadda ah, ee uu ku kicinayo bulshada. Wuxuu maamulaa booliska Israa’iil, iyo ciidanka ilaalada xuduudaha. Wuxuu markasta ku baaqaa in la kordhiyo hawlgallada ka dhanka ah shacabka Falasdiiniyiinta, dhulkooda iyo goobaha Barakaysan ee Muslimiinta. Sida oo kale waxa jira isbeddelo lagu xagjiraynayo haybta iyo waxbarashada bulshada Yuhuudda, oo u horkacayo Aafi Maacuus (Avi Maoz) hoggaamiyaha xisbiga Nuucaam, ahna wasiir-ku-xigeenka xafiiska Raysalwasaaraha.
- Xisbiyadan diiniga ah iyo kuwa qawmiyadeed ee Israa’iil waxay u arkaan in soo laabashada Yuhuudda ee dhulka Falasdiin, dhismaha dawladda Israa’iil iyo hindisaha dhismaha Haykalka Saddexaad ee Qudus, inay dhammaantood gogolxaadh u yihiin casriga Mashiikh (Masiixa Yuhuudda). Sidaas ayay u rabaan inay u burburiyaan masaajidka Aqsa, waayo waxay aamminsan yihiin inay labadiii Haykal ee hore halkaas ka dhisnaayeen. Haykalka waxay uuga jeedaan dhismaha cibaadada iyo taliska guud ee Yuhuudda.
- Sahyuuuniyiinta Diiineed waxay leeyihiin fadhiga lagu ma sugayo Mashiikh, ee wax kasta oo uu u baahnaa waa la diyaarinayaa, kadibna isagaa qasab ku imanaya. Ha noqoto soo laabashada Yuhuudda ee dhulka Barakaysan, ha noqoto dhismaha dawladda Israa’iil, ha noqoto qabsashada Quddus, ha noqoto yagleelka Israa’iisha Weyn, ama ha noqoto hindisaha dhismaha Haykalka ee ay imika wadaan.
- Dhalashasii nebi Ciise waxyar kahor Yuhuuddu waxay sugayeen inuu soo bixi doono Masiix leh sifooyinkan soo socda: (A) Masiix leh nasab boqortooyo oo ku abtirsada nebi Daa’uud (B) Masiix soo ururin doona Yuhuudda ku filiqsan dacallada caalamka (C) Masiix samayn doono nabadgelyo caalami ah oo dagaallada dhammayn doona (D) Iyo Masiix dhisi doona Haykalka Saddexaad. Alle cidda uu soo diraya isaga ayaa doorta e, markii ay ka waayeen nebi Ciise sifooyinkii qabyaaladeed ee ay ka filayeen way beeniyeen. Sidaas oo kale ayay nebi Maxamedna u beeniyeen.
- Masiixdoonimadu (Messianism) waa aragti ay qabaan inta badan diimaha waaweyn ee caalamku. Waa aragti ku qotonta inuu aakhirusamaanka imanayo badbaadiye ama samatabixiye, si uu caddaaladda u oogo, xaqa ugu hiiliyo, isla markaana uu soo afjaro rafaadka iyo silica aadamaha ama ummad gaar ah. Masiix waa eray Saami ah oo ka dhigan “kii saliidda barakaysan lagu masaxay” oo looga jeedo “kii la boqray” ama “kii la doortay”. Waa sida “caanashubka” ugaasyada Soomaalida, oo “saliidshub” laga dhigay.
- Sida uu u jiro masiix Alla-boqor ahi, waxa jira isna masiix Jinni-boqor ah, halxidhaalaha aakhirusamaankuna waa kala garashada labadaas?!
_______
WQ: Cali Ileeye
Qoraa, abwaan, turjumaa iyo gorfeeye wax ka qora arrimaha suugaanta, diimaha, siyaasadda, horumarinta nafta iyo wacyiga.