Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan madaxweynihii hore Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, oo laga soo saaray deegaanka Awdiinle ay gaareen duleedka magaalada Luuq.
Ciidamadan oo wata ku dhawaad 15 baabuur oo ah gaadiidka dagaalka, ayaa la sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen Awdiinle, balse laga saaray kaddib markii Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay weerar ku qaadeen deegaankaasi.
Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in hadda uu jiro khilaaf xooggan oo ku saabsan in ciidamadaasi loo oggolaado inay gudaha u galaan magaalada Luuq, oo ah marin muhiim ah oo ay qorsheynayaan inay sii maraan.
Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo kuwa Jubbaland ayaa la sheegay in ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin arrintan, iyadoo qaar ay taageersan yihiin in la joojiyo soo galista ciidamada, halka kuwo kale ay u arkaan arrin istiraatiiji ah in la oggolaado.
Xiisadda ka dhalatay arrintan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo amniga guud ee gobolka Gedo, xilli ay horey uga jireen khilaafaad siyaasadeed iyo mid ciidan oo u dhexeeya dhinacyada kala duwan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xaaladdu weli tahay mid kacsan, isla markaana la filayo go’aan rasmi ah oo ay gaaraan mas’uuliyiinta labada dhinac saacadaha ama maalmaha soo socda.