Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gaartay guul taariikhi ah kadib markii ay noqotay dalkii ugu horreeyay ee Afrika hirgeliya Siyaasadda Ilaalinta Bed-qabka Rayidka, taas oo lagu xoojinayo badbaadinta shacabka xilliyada hawl-gallada ciidan iyo colaadaha hubeysan.
Wasaaradda Gaashaandhigga iyo hay’adda CIVIC ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad oo saldhig u noqonaya iskaashi lagu horumarinayo hababka lagu ilaalinayo rayidka, yareynta waxyeellada dagaallada, iyo sare u qaadidda u hoggaansanaanta xeerarka caalamiga ah ee bani’aadannimada.
Heshiiskan ayaa Soomaaliya u muujinaya hoggaan cusub oo qaaradda Afrika ah, iyadoo mudnaan gaar ah siinaysa badqabka shacabka iyo hab-maamuusyada hawl-gallada militariga.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in tallaabadan ay qeyb ka tahay dib-u-habaynta amniga dalka iyo dhismaha ciidan si weyn u tixgeliya ilaalinta bulshada rayidka ah.
Tallaabadan ayaa loo arkaa horumar weyn oo Soomaaliya ka sameysay dhinacyada amniga, xuquuqda aadanaha iyo xoojinta kalsoonida shacabka.