U bood dhigaalka

Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay burcad-badeednimo iyo dukumiintiyo been abuur ah oo lagu xiray Maraykanka

Abriil 26, 2026

Laamaha ammaanka ee dalka Mareykanka ayaa xabsiga dhigay Siciid Jaamac Axmed, oo ah muwaadin Soomaaliyeed, kaddib markii lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah ku joogay dalkaasi isla markaana isticmaalayay baasaboor been abuur ah.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Mareykanka ayaa baaritaanno lagu sameeyay faraha laga qaaday eedeysanaha ayaa muujiyay xog hore oo diiwaangashaneyd tan iyo 2012, taasoo la xiriirta tuhuno ku saabsan ku lug lahaansho falal burcad-badeednimo oo ka dhacay xeebaha Somalia.

Mas’uuliyiinta Maraykanka ayaa sheegay in kiiska uu weli socdo, iyadoo eedeymaha la xiriira joogitaan sharci darro ah, dukumiintiyo been abuur ah iyo tuhunnada burcad-badeednimo ay qeyb ka yihiin baaritaanka socda.