Sida ay sheegtay Hay’adda UK Maritime Trade Operations (UKMTO) markab xamuul siday ayaa saacado ka hor lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya, kadib markii dad aan la aqoonsani ay la wareegeen markabkaas.
Sida ay hay’addu sheegtay, markabkan ayaa lagu qabtay meel qiyaastii 6 mayl-badeed u jirta waqooyi-bari ee deegaanka Garaacad, halkaas oo lagu soo waramayo in markabka si khasab ah loogu leexiyay gudaha biyaha Soomaaliya.
Warbixintu ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan cidda falka ka dambeysa, balse dhacdadan ayaa imanaysa xilli mar kale ay soo baxayaan walaacyo la xiriira dib usoo laabashada burcad-badeednimada ee xeebaha dalka, gaar ahaan gobollada bartamaha iyo waqooyiga.
Ilo amni ayaa tilmaamaya in maraakiibta ganacsiga lagu wargeliyay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah marka ay marayaan aagagga halista leh, si looga hortago weerarro noocan oo kale ah.
Dhacdadan ayaa sidoo kale kusoo beegmeysa iyadoo muddooyinkii dambe ay kordhayeen wararka ku saabsan dhaqdhaqaaqyada kooxo hubeysan oo beegsanaya maraakiibta maraysa marin-biyoodka muhiimka ah ee Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.