Dawladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa ka wada-hadlay xoojinta iskaashigooda dhinacyada difaaca iyo la dagaallanka argagixisada, ka dib kulan ka dhacay dalka Turkiga.
Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Ahmed Moalim Fiqi, ayaa kulan muhiim ah kula yeeshay magaalada Istanbul Wasiirka Difaaca dalka Sudan, General Hassan Daoud Kabroun, xilli ay ka qeyb galayeen Bandhigga Caalamiga ah ee SAHA 2026.
Kulankan oo dhacay dhinaca Bandhigga SAHA 2026 ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, gaar ahaan dhinacyada tababarrada ciidamada, isdhaafsiga khibradaha amniga iyo wadaagga xogaha la xiriira la-dagaallanka kooxaha ka soo horjeeda dowladnimada ee ka jira labada dal.
Labada dal oo xariir soo jireen leh ayaa haatan dagaal xooggan kula jira kooxaha hubeysan oo maxalli ah, kuwaas oo ay kamid yihiin Al-Shabaab, Daacish, iyo kooxda Falaagada ah ee RSF.
Soomaaliya iyo Suudaan oo xoojinaya iskaashigooda amniga iyo la dagaallanka argagixisad
Maajo 7, 2026