Jidadka waaweyn ee Muqdisho ayaa saaka si weyn loogu arkayaa ciidamo aad u hubeysan oo wajiyadu u duuban yihiin, kuwaas oo lagu soo daadiyay inta badan isgoysyada magaalada.
Ciidamadan ayaa u muuqda kuwa ka hortagaya bannaanbax ballaaran oo ay maanta qorsheynayaan mucaaradka Soomaaliya, kaas oo ka dhacaya qeybo badan oo kamid ah degmooyinka caasimadda.
Arrintan ayaa kusoo aadaysa iyadoo mucaaradku ku baaqeen bannaanbax ay ku tilmaameen kii ugu weynaa, kaas oo ay sheegeen inuu yahay lagu muujinayo cabashooyin ay ka mid yihiin dhibaatooyinka shacabka lagu hayo iyo muranka ka taagan burburinta dhulal dan guud.
Sida ay soo wariyeen hawlwadeenno ka tirsan warbaahinta Goobjoog oo booqday qaar kamid ah goobaha loo qorsheeyay isu-soo-baxa, ciidamada ayaa si adag u ilaalinaya goobahaasi, waxaana meelaha qaarkood laga dareemayaa dhaq-dhaqaaqyo amni oo aan caadi ahayn.
Dadweynaha ku dhaqan caasimadda ayaa iyaguna si dhow ula socda xaaladda, iyadoo laga cabsi qabo in isu-soo-baxa maanta uu yeesho saameyn ku timaadda isu socodka iyo ganacsiga magaalada, sidoo kalena ay rabshado ka dhashaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa saacado kahor war kasoo saartay bannaanbaxa ay qorsheynayaan mucaaradku, iyadoo sheegtay inay oggolaatay in dibadbaxa la qabto, balse ku xirtay in lagu qabto oo keliya garoonka ciyaaraha ee Eng. Yariisow Stadium.