U bood dhigaalka

Maamulka Koonfur Galbeed oo sheegay in la fashiliyay weerar ay koox maleeshiyaad ahi ku soo qaadeen saldhigyo Baydhabo ku yaalla

Maajo 22, 2026

Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa sheegtay inay fashilisay weerar ay maleeshiyaad la sheegay inay garab ka helayeen kooxda Al-Shabaab ku qaadeen fariisimo ciidan oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda ayaa lagu sheegay in weerarka uu dhacay abaare 2:30 habeenimo, islamarkaana ciidamada ammaanka ay si degdeg ah uga hortageen weerarkaasi.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay dileen laba ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, halka afar kalena lagu dhaawacay, sidoo kalena waxaa la sheegay in ciidamada ay gacanta ku dhigeen hub iyo saanad ciidan oo ay wateen kooxahaasi.

Wasaaradda ayaa tilmaantay in xaaladda amni ee Baydhabo ay hadda degan tahay, iyadoo ciidamada ammaanka ay weli wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo nabadgelyada guud ee magaalada iyo deegaannada ku dhow.

Dhanka kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha ammaanka, isla markaana ay ka feejignaadaan falalka amni darro ee ay maleegayaan kooxaha hubeysan.

Wasaaraddu waxay sidoo kale waalidiinta ugu baaqday inay ka hortagaan dhalinyarada lagu qaldayo fikradaha xagjirka ah si looga badbaado qatarta amni ee dalka ka jirta.

Baydhabo iyo deegaannada ku hareeraysan ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka jiray howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo la xiriira sugidda ammaanka iyo la dagaallanka Al-Shabaab.