U bood dhigaalka

Soomaaliya oo Ka Qayb-gashay Dhoollatuska Milatari ee Caalamiga ah ee EFES 2026 ee Turkiga

Maajo 24, 2026

Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, gaar ahaan Xoogga Dalka ayaa ka mid noqday militariga in ka badan 50 dalka oo ka qayb galay dhoollatuska milatari ee caalamiga ah ee EFES 2026, kaas oo lagu qabtay magaalada Izmir ee dalka Turkey.

Dhoollatuskan oo socday muddo bil ah ayaa lagu soo bandhigay tiknoolajiyado ciidan oo casri ah iyo xeelado dagaal oo heer sare ah, iyadoo ay ka qayb-galeen in ka badan 10,000 oo askari oo ka kala socday dalal badan oo dunida ah.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ka qayb-galay dhoollatuska ayaa muujiyay xirfad, karti iyo heer tababar oo casri ah.

Ciidamada Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay awoodo kala duwan oo ay ka mid yihiin adeegsiga diyaaradaha, ku boodista baarashuudka, iyo isticmaalka noocyada kala duwan ee hubka casriga ah.

Ka qayb-galka Soomaaliya ee EFES 2026 ayaa muujinaya horumarka ay sameynayaan Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan dhinacyada tababarka, xirfadaha dagaalka iyo xoojinta iskaashiga milatari ee ay la leeyihiin dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya.

Dhoollatuska EFES 2026 ayaa loo arkaa mid ka mid ah munaasabadaha milatari ee ugu waaweyn dunida, isagoo fursad u noqda ciidamada ka qayb-galaya inay is dhaafsadaan khibradaha, korna u qaadaan wada shaqeynta iyo isku xirnaanta howlaha amniga ee caalamiga ah.