Xaaladda magaalada Baydhabo ayaa caadi ku soo laabatay, kaddib markii ay dib uga baxeen ciidamadii daacadda u ahaa Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo xalay iyo saaka gudaha u galay qaybo ka mid ah magaalada.
Wararka laga helayo Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda federaalka ay hadda si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada, islamarkaana ay dib u xaqiijiyeen ammaanka goobihii ay ka dhaceen iska horimaadyadii saaka.
Ciidamada taabacsan Laftagareen ayaa la sheegay in ay saaka u suurtagashay inay gudaha u galaan magaalada, balse ay markii dambe dib uga baxeen, iyadoo xaaladdu haatan tahay mid deggan.
Ma jiro weli war rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay dagaalladii saaka ka dhacay Baydhabo, iyadoo la filayo in faahfaahin dheeraad ah ay soo baxdo saacadaha soo socda..