U bood dhigaalka

Askar Ka Tirsan Ciidanka Jubbaland Oo Soo Gaaray Muqdisho Kadib Markii ay kasoo goosteen Jubbaland

Juun 1, 2026

Warar lagu kalsoonaan karo oo ay heshay Goobjoog ayaa sheegaya in ku dhawaad 30 askari oo ka tirsanaa ciidamada Jubbaland ay soo gaareen magaalada Muqdisho, kadib markii ay isaga soo baxeen deegaannadii ay ku sugnaayeen.

Ilo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyay in askartan qaarkood ay soo mareen safar dheer oo dhinaca dhulka ah, iyagoo dhex maray deegaanno ay gacanta ku hayaan kooxda Al-Shabaab. Sida ay sheegayaan xogaha la helay, kooxda ayaa askarta ka qaaday hubkii ay wateen, kaddibna waxaa la isku afgartay in loo oggolaado marin ay uga gudbaan deegaannadaas.

Askarta kale ayaa la sheegay inay doomo ku soo gaareen xeebaha u dhow Muqdisho si ay uga baxsadaan xaaladda cakiran ee ka jirta goobihii ay joogeen.

Markii ay soo gaareen agagaarka Muqdisho, ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan kontoroollada laga soo galo caasimadda ayaa gacanta ku dhigay askarta, waxaana la bilaabay baaritaanno iyo diiwaangelin lagu sameynayo.

Xogaha la helayo ayaa sheegaya in askartan ay si weyn uga niyad jabsan yihiin habkii loo maareeyay dagaalkii Kudhaa, kaas oo sababay khasaare iyo jahwareer ku yimid ciidamada.

Sidoo kale, askarta ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo dheer soo jiitamaysay, taas oo la sheegay inay ka mid tahay sababaha ugu waaweyn ee keenay niyad-jabka iyo kala daadashada ciidamada.

Cabashooyinka askarta ayaa kusoo aadaya xilli maamulka Jubbaland uu wajahayo cadaadis dhanka amniga iyo ciidamada ah, iyadoo wararku sheegayaan in maamulka uu bilaabay inuu ciidamo dheeraad ah geeyo gobolka Gedo, halkaas oo ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo loollan siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

Falanqeeyayaal arrimaha amniga ka faallooda ayaa aaminsan in haddii aan wax laga qaban cabashooyinka ciidamada, gaar ahaan mushaar bixinta iyo daryeelka ciidamada, ay sii kordhi karto suuragalnimada in ciidamo kale ay ka baxaan furimaha dagaalka, arrintaas oo saameyn ku yeelan karta awoodda ciidan ee Jubbaland iyo amniga guud ee deegaannada ay maamusho.

Inkastoo aan weli jirin war rasmi ah oo maamulka Jubbaland ka soo saaray dhacdadan, haddana soo bixitaanka askartan iyo cabashooyinka ay gudbinayaan waxay iftiiminayaan caqabadaha horyaalla maamulka marka la eego maamulka ciidamada iyo xaaladda amni ee gobollada koonfureed.