Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa magaalada Baydhabo ku soo rogay bandow habeenkii ah, iyadoo tallaabadan lagu xoojinayo ammaanka magaalada xilli lagu jiro diyaar-garowga doorashooyinka maamulka.
Sida lagu sheegay awaamiirta cusub ee amniga, bandowga ayaa maalin kasta bilaaban doona 7:00 fiidnimo, wuxuuna socon doonaa ilaa salaadda subax.
Maamulka ayaa sheegay in amarkan uu sii jiri doono ilaa amar dambe laga soo saarayo, ayadoo tallaabadan lagu fasiray mid la xiriirta dadaallada lagu sugayo amniga inta lagu guda jiro geeddi-socodka doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo hoggaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Amarka cusub ayaa sidoo kale waxaa la socda awaamiir amni oo dheeraad ah oo lagu adkeynayo dhaq-dhaqaaqa magaalada, iyadoo ciidamada ammaanka la faray inay si dhow ula socdaan fulinta bandowga iyo ilaalinta xasilloonida guud ee Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ayaa maalmahan martigelinaysa diyaar-garowga doorashooyinka la filayo inay ka qabsoomaan Koonfur Galbeed, kuwaas oo si weyn isha loogu hayo maadaama ay door muhiim ah ku leeyihiin jihada siyaasadeed ee maamulka.