U bood dhigaalka

Booliska Soomaaliya oo Sheegay inuu Socdo Howlgal Lagu Soo afjarayo koox hoobiyeyaal ku weeraray xaafado Muqdisho kamid ah

Juun 4, 2026

Hay’adaha Amniga Soomaaliya, gaar ahaan  Booliska ayaa sheegay in uu gabo-gabo marayo howlgal ballaaran oo ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo lagu bartilmaameedsanayo koox hubeysan oo ku eedeeysan inay weerarro hoobiyeyaal ah ku qaadeen xaafado ay ku nool yihiin dad rayid ah.

War-saxaafadeed ay soo saareen hay’adaha amniga ayaa lagu sheegay in kooxahan hubeysan ay ku sugan yihiin goobo ay deggen yihiin dad lagu tilmaamay inay hurinayaan qalalaase amni, isla markaana ay ka dambeeyeen abaabulka falalka hubeysan ee ka dhacay caasimadda.

Booliska ayaa sheegay in weerarrada hoobiyeyaasha lagu qaaday qaybo ka mid ah Muqdisho ay khatar ku noqdeen shacabka rayidka ah, isla markaana ciidamada ammaanku ay wadaan howlgal lagu soo afjarayo kooxahaasi iyo cid kasta oo ku lug leh falalka lagu tilmaamay kuwa lidka ku ah amniga iyo xasilloonida dalka.

Hay’adaha amniga ayaa sidoo kale beeniyay in xaaladda taagan ay la xiriirto bannaanbaxyo nabadeed, iyagoo ku adkeystay in waxa socda ay yihiin dhacdooyin hubeysan oo ay ciidamada dowladdu ku hawlan yihiin xakameyntooda.

Shacabka Muqdisho ayaa loogu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, kana fogaadaan goobaha ay ka socdaan howlgalada amniga, isla markaana ay la shaqeeyaan ciidamada si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida magaalada.

Si kastaba ha ahaatee Booliska ma kala caddayn in kooxda ay ku daba jiraan ay u jeedaan ciidamada mucaaradka iyo inay jiraan kooxo kale oo is hor-imaadyada taagan ka faa’iidaystay oo magaalada hoobiyeyaal ku garaacay.