Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa soo bandhigay saanad ciidan oo culus oo ay sheegeen inay kala wareegeen ciidamo mucaarad ah, kadib dagaallo culus oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Saanadda la soo bandhigay ayaa isugu jirta hub kala duwan oo ay ka mid yihiin qoryaha darandooriga u dhaca iyo gaadiid dagaal, kuwaas oo sida ay sheegeen saraakiisha amnigu in laga qabsaday ciidamadii ay dowladdu la dagaallantay.
Ciidamada dowladda ayaa dagaal muddo saacado badan ah qaatay la galay ciidamo ay hoggaaminayeen Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Dagaalka ayaa sababay khasaare kala duwan, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin tirada guud ee dhimashada iyo dhaawacyada ka dhashay iska horimaadka, waxaana
Taliska Boliisku uu sheegay in howlgalka lagu xaqiijinayay amniga caasimadda, isla markaana la qabtay hub iyo gaadiid loo adeegsaday dagaalladii dhacay.
Saraakiisha amniga ayaa sidoo kale xusay in baaritaanno dheeraad ah lagu wado dhacdooyinka la xiriira dagaalladaasi,
Dhanka kalena, xaaladda magaalada Muqdisho ayaa deggan, iyadoo ciidamada amniga ay xoojiyeen howlgallada iyo sugidda ammaanka goobihii ay dagaalladu ka dhaceen.