Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook ku sheegay in waxa uu ku tilmaamay “afgambi” ay kooxda RSF ku soo qaadday dowladnimada Soomaaliya ay si weyn uga hortageen Ciidanka Qalabka Sida ee dalku.
Wasiirka ayaa sheegay in kooxahana ay ka soo horjeedaan nidaamka jira , mararka qaarna ay adeegsadaan magacyo kala duwan, sida bannaanbaxyo iyo abaabulo qabiil, balse wuxuu ku dooday in ay jiraan siyaasiyiin mucaarad ah oo uu ku eedeeyay inay xiriir la leeyihiin dhinacyo shisheeye oo doonaya inay wiiqaan dowladnimada Soomaaliya.
Qoraalka wasiirka ayaa sidoo kale digniin loogu diray dhalinyarada ku biiraysa maleeshiyaadka hubeysan, isagoo ugu baaqay inay ka fogaadaan dagaallada ka dhanka ah ciidamada qaranka, islamarkaana aysan qayb ka noqon falal amniga wax u dhimaya.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay dalka ka jiraan xiisado siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ay wadaan mucaaradka, kuwaas oo ku saabsan arrimo siyaasadeed iyo amni.