Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waabarisatay xaalad amni oo aad u kacsan, kaddib dagaallo culus oo habeenkii xalay ilaa saaka ka socday xaafado ka tirsan degmooyinka Cabdicasiis iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.
Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa in la isku adeegsaday hub culus iyo madaafiic, kuwaas oo cabsi xooggan ku abuuray shacabka ku nool caasimadda.
Inta badan dadka Muqdisho ayaa xalay hurdada ka toosnaa, iyadoo jugta madaafiicda iyo rasaasta culus laga maqlayay degmooyin badan oo magaalada ka tirsan.
Inkastoo dagaalku uu saaka yara qaboobay marka loo eego saacadihii ugu kululaa ee habeenkii, haddana weli waxaa la maqlayaa rasaas goos-goos ah iyo hub culus oo mararka qaar laga ridayo goobaha ay xiisaddu ka jirto.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in labada dhinac ee dagaallamaya aysan weli gaarin wax natiijo ah ama horumar muuqda oo dhinac gaar ah lagu tilmaami karo inuu guul ka gaaray dagaalka.
Iska horimaadyada ayaa weli ka socda qaar ka mid ah goobihii uu dagaalku markii hore ka qarxay.
Shacabka ku nool aagagga ay colaaddu saameysay ayaa wajahaya xaalad adag, iyadoo qoysas badan ay ku hoydeen cabsi iyo walaac ku saabsan sida ay xaaladdu isu beddeli doonto saacadaha soo socda.