Taliska Ciidanka Booliiska ayaa shaaciyay qorsheyaal amni oo adag oo lagu sugayo doorashada Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee la filayo inay qabsoonto Arbacada, 10-ka Juun 2026.
Warsaxaafadeed uu soo saaray taliska ayaa lagu sheegay in guud ahaan Magaalada Baydhabo ay geli doonto bandow maalinta doorashada, iyadoo la mamnuucay dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo dadka lugaynaya, marka laga reebo gaadiidka ciidamada amniga, mas’uuliyiinta dowladda, adeegyada gurmadka degdegga ah iyo dadka safarka ah ee loo diyaariyay gaadiid gaar ah.
Taliska ayaa sidoo kale sheegay in la diyaariyay adeegyo caafimaad iyo gaadiid gurmad degdeg ah oo ay shacabka la xiriiri karaan iyagoo adeegsanaya ciidamada ammaanka, maamulka degmada ama askariga ugu dhow.
Dhanka kale, dhammaan ciidamada ammaanka ayaa si cad loogu amray inaysan ridin wax rasaas ah ka hor ama kadib doorashada. Taliska ayaa ka digay in cid kasta oo jebisa amarkaas loo gudbin doono maxkamadda awoodda u leh.
Booliiska ayaa ugu dambeyn shacabka Baydhabo ugu baaqay inay laamaha ammaanka la wadaagaan xog kasta oo la xiriirta falal amniga khatar gelin kara ama waxyaabo laga shakiyo, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo hufnaanta doorashada.
Doorashada hoggaamiyaha cusub ee Koonfur Galbeed ayaa lagu wadaa inay ka dhacdo Baydhabo iyadoo ammaanka magaalada si weyn loo adkeeyay.