U bood dhigaalka

Gaana Oo Ciidamo Boolis Ah U Soo Dirtay Soomaaliya

Juun 14, 2026

Dowladda Gaana ayaa ciidamo cusub oo boolis nabad-ilaalin ah keentay Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay in si gaar ah uga howlgeli doonaan magaalooyinka Baydhabo iyo Beledweyne.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howlgalada taageeraya amniga iyo xasilinta deegaannada ay ka shaqeynayaan, wuxuuna imaanshahoodu ku soo beegmayaa xilli Dowladda Federaalka Soomaaliya ay marar badan ku celcelisay inay dhiseyso ciidamo qaran oo awood u leh sugidda amniga dalka iyo la wareegidda mas’uuliyadda amni ee ay hadda qayb ahaan gacanta ku hayaan ciidamada caalamiga ah iyo kuwa Afrikaanka ah.

joogitaanka iyo kordhinta ciidamada shisheeye ayaa muujinayso in wali ay jiraan caqabado hortaagan in ciidamada Soomaaliyeed si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka, inkastoo ciidamada Midowga Afrika muddooyinkii la soo dhaafay kaalintoodu aysan firfircoonayn.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin faahfaahinta tirada ciidamadan cusub ee ka yimid Gaana iyo muddada ay ka howlgalayaan Baydhabo iyo Beledweyne.