Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir ayaa sheegay inay wadaan baadi-goob iyo baaritaanno lagu raadinayo shaqsiyaad lagu eedeeyay falal xadgudub ah oo ka dhan ah gabar Soomaaliyeed, kaddib markii muuqaallo la xiriira kiiskaasi lagu baahiyay baraha bulshada.
War-saxaafadeed ka soo baxay Booliiska ayaa lagu sheegay in hay’adaha amniga ay si dhow ula socdaan kiiska, isla markaana ay socdaan dadaallo lagu soo qabanayo eedeysanayaasha si loo horkeeno cadaaladda.
Booliiska ayaa sidoo kale ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan laamaha amniga, ayna soo gudbiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta soo qabashada dadka lagu tuhunsan yahay falalkan.
Dhanka kale, Ciidanka Booliiska ayaa xusay inaan la oggolayn qabashada munaasabado ama isu-imaatinno lagu soo dhoweynayo YouTuber-ro, TikToker-ro iyo shaqsiyaad kale oo caan ka ah baraha bulshada, iyagoo sheegay in isu-imaatin kasta oo dadweyne ay khasab tahay inuu maro habraacyada sharciga iyo amniga si loo ilaaliyo kala dambeynta bulshada.
Mas’uuliyiinta amniga ayaa adkeeyay inay sii wadi doonaan tallaabooyinka lagu xaqiijinayo amniga caasimadda iyo dhowrista anshaxa bulshada Soomaaliyeed.