Magaalada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa maalmahan wajahaysa xaalad amni oo aad u cakiran, kadib markii ay halkaasi ka qarxeen dagaallo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo iska soo horjeeda.
Muuqaallo si weyn ugu faafay baraha bulshada ayaa muujinaya burburka iyo khasaaraha ka dhashay dagaallada, iyadoo la arkayo guryo la gubay iyo maleeshiyaad hubeysan oo ku faanaya falalka ay geysanayaan.
Mid ka mid ah muuqaallada lagu duubay gudaha Jalalaqsi ayaa waxaa ka muuqda nin hortaagan kamarad, kaas oo si cad uga hadlay falal uu sheegay inuu ka qayb qaatay intii ay socdeen dagaallada.
Gubista guryaha dadweynaha iyo abaabulka maleeshiyaadka ayaa muujinaya in xaaladda Jalalaqsi ay cakirantahay, ilaa haddana dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Hirshabeelle arrintan si rasmi ah ugama hadlin.
Jalalaqsi ayaa muddooyinkii dambe ku jirtay xaalad ka soo kabasho kadib dagaalladii lagula jiray Al-Shabaab iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee ka dhashay sicir bararka, Hase yeeshee, dagaalladan beeleed ee cusub ayaa khatar ku ah nabaddii iyo horumarkii yaraa ee laga sameeyay degmada.
Qaar kamid ah dadka deegaanka oo aan la xariirnay ayaa Goobjoog u sheegay in xiisadda oo labo maalmood ka hor qaraxday ay markii hore ka billaabatay gabar la kufsaday, islamarkaana muuqaallo laga duubay intaas ka dibna ay isku badeshay dagaal toos ah oo u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed.
Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, balse waxaa jirta cabsi laga baqo in mar kale ay is rasaasayni magaalada ka billaato, iyadoo aysan ilaa haatan muuqan wax dedaallo nabadeed ahi.