U bood dhigaalka

Xeer Ilaaliyaha Guud oo Amar Ku Bixiyay Baarista Falal Anshax-xumo ah oo Lagu Faafiyay Baraha Bulshada

Juun 21, 2026

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay inuu baaris ku wado falal anshax-xumo ah oo lagu faafiyay baraha bulshada, kuwaas oo la sheegay inay ka hor imaanayaan dhaqanka iyo qiyamka bulshada Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ayaa lagu sheegay in si gaar ah loo baarayo dhacdo foolxun oo dhowaan ka dhacday Magaalada Muqdisho, taas oo la xiriirta gabadh Soomaaliyeed iyo muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada.

Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa ugu baaqay shacabka inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, islamarkaana ay bixiyaan xog kasta oo gacan ka geysan karta soo qabashada dadka ku lugta leh falalkan iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay faafinta waxyaabaha anshax-darrada ah.

Sidoo kale, xafiisku wuxuu faray dhammaan hay’adaha amniga dalka inay dardar geliyaan baaritaannada isla markaana sharciga la horkeeno shaqsi kasta oo lagu helo ku lug lahaanshaha falalkan.

War-saxaafadeedka ayaa digniin adag loogu diray dadka isticmaala baraha bulshada, iyadoo lagu wargeliyay inay ka fogaadaan faafinta waxyaabaha ka hor imanaya dhaqanka iyo sharciga dalka, maadaama qof kasta oo lagu helo falalkaas lala tiigsan doono tallaabooyin sharciyeed.