U bood dhigaalka

AUSSOM Oo Baydhabo tababar ugu Soo Gabagabeysay Ciidamo Boolis Ah Oo Ka Socda Ghana

Juun 22, 2026

Unugta Tababarka Booliska ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa magaalada Baydhabo ku soo gabagabeysay tababar socday lix maalmood, kaas oo loo qabtay ciidamo boolis cusub oo ka socda dalka Ghana.

Tababarkan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada lagu diyaarinayo saraakiisha cusub ee booliska si ay uga qeyb qaataan taageeridda nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, iyagoo la shaqeynaya hay’adaha amniga dalka.

Intii uu tababarku socday, saraakiisha waxaa lagu baray waajibaadka iyo howlaha AUSSOM, habraacyada shaqo, deegaanka hawlgalka ee ay ka howlgeli doonaan, iyo kaalintooda ku aaddan taageeridda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayadoo aageeradaasi uu isugu jiray karaan-dhisid, la-talin iyo xoojinta hay’adaha booliska Soomaaliyeed.

Sidoo kale, tababarka ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin wacyigelinta jinsiga, ka hortagga ka tacaddiyada la xiriira, ilaalinta xuquuqda aadanaha, ixtiraamka kala duwanaanshaha bulshada, hababka boolisnimo ee Midowga Afrika iyo ilaalinta nadaafadda deegaanka.

Mas’uuliyiinta AUSSOM ayaa sheegay in tababarradan ay muhiim u yihiin kor u qaadidda xirfadaha iyo diyaar-garowga ciidamada booliska ee ka qeyb qaadanaya howlaha lagu taageerayo amniga Soomaaliya, iyagoo xusay in iskaashiga noocan ahi uu door weyn ka qaato xoojinta nabadda iyo xasiloonida dalka.