Iska-hor-imaad hubeysan oo sababay khasaare ayaa laga soo sheegay kaantaroolka bari ee magaalada Garoowe, halkaas oo ay isku rasaaseeyeen ciidanka Booliiska Puntland iyo ilaalada siyaasiyiin mucaarid ah oo ka yimid magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo.
Wararka ayaa sheegaya in ilaalada siyaasiyiintaasi loo diiday inay gudaha u galaan caasimadda Puntland, taasoo keentay xiisad isu beddeshay iska-hor-imaad hubeysan.
Dhanka kale, warbaahinta maxalliga ah ayaa werisay in ciidamo ka gadooday celinta loo geystay ilaalada siyaasi lagu magacaabo Mashruuc ay la wareegeen kaantaroolka koonfureed ee degmada Carmo.
Xiisaddan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Xukuumadda Puntland dhawaan ku dhawaaqday in deegaannadeeda aysan ka howl-geli karin ciidamo aan hoos imaan maamulka Puntland.