Madaxa Xamaas ee dibadda, Khaalid Mashal, ayaa sheegay in Amiirkii hore ee Dowladda Qatar, Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani, uu ahaa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Carbeed ee booqda Marinka Gaza tan iyo markii go’doominta lagu soo rogay.
Mashal ayaa sheegay in booqashadaas ay ahayd mid taariikhi ah oo astaan u noqotay taageerada Qatar ay u muujisay shacabka reer Gaza, isaga oo xusay in ay jebisay go’doomintii siyaasadeed ee lagu hayay deegaankaas.
Hadalkan ayuu jeediyay xilli ka tacsiyeeyay geerida amiirka oo dhowaan la shaaciyay, wuxuuna si faahfaahsan uga hadlay kaalinta Qatar ee arrimaha Falastiin.
Amiir Sheekh Hamad bin Khalifa Al Thani ayaa booqday Gaza bishii Oktoobar 2012, isagoo noqday madaxii ugu horreeyay ee dowlad Carbeed oo si rasmi ah u taga Gaza tan iyo markii go’doominta la adkeeyay sannadkii 2007.
Intii uu halkaas joogay wuxuu ku dhawaaqay taageero dhaqaale oo ballaaran oo loogu talagalay dib-u-dhiska kaabeyaasha iyo adeegyada bulshada, wixii xilligaas ka dambeeyayna Qatar waxay si joogto ah u difaacaysay dadka reer Falastiin.
Amiirka ayaa sidoo kale lagu xusuustaa inuu xilka wareejiyay asagoo caafimaad qaba, culayso kalena aysan haysan, taas oo ah mid aan looga baran hoggaamiyaasha dalalka Carabta, gaar ahaan kuwa Khaliijka.