Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan ayaa sheegay inay gantaallo ballistic ah ku weerareen saldhigga cirka ee Amiir Xasan (Prince Hassan Air Base) ee dalka Urdun, kaas oo ay ku tilmaantay saldhig ay leeyihiin ciidamada Mareykankau.
Bayaan ka soo baxay dhinaca Iiraan ayaa lagu sheegay in weerarka lagu burburiyay xarunta taliska iyo xakamaynta ee saldhigga, sidoo kalena la beegsaday hangarrada ay ku jiraan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee nooca MQ-9.
Ilaalada Kacaanka ayaa sheegtay in howlgalka lagu fuliyay dhowr gantaal oo ballistic ah, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid ka mid ah weerarrada lagu qaaday goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka ee gobolka.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Urdun ama ciidamada Mareykanka oo xaqiijinaya sheegashada Iran ama faahfaahin ka bixinaya khasaaraha ka dhashay weerarka.
Xiisadda u dhexeysa Iran iyo Mareykanka ayaa sare u kacday kadib markii ay labada dhinac ku lug yeesheen weerarro is-daba joog ah oo ka dhacay Bariga Dhexe, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in colaadda ay ku fido dalal kale oo gobolka ah.