U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo ka digtay halis weyn oo soo wajahday nus milyan qof oo ku sugan magaalada El-Obeid ee Suudaan

Luuliyo 12, 2026

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta (UNICEF) ayaa ka digtay in ku dhowaad 500,000 oo rayid ah oo ku nool magaalada El-Obeid ay halis weyn ku jiraan, xilli gobolka Waqooyiga Kordofan ee Suudaan ay dagaallo culus weli ka socdaan.

Hay’adda UNICEF ayaa sheegtay in dagaallada sii xoogeysanaya ay ku qasbayaan carruur iyo qoysas badan inay ka barakacaan guryahooda, iyagoo raadinaya goobo ay gabaad ka helaan, xilli ay sii xumaanayso xaaladda bani’aadantinimo ee magaalada.

Hay’addu waxay ka digtay in carruurtu ay si gaar ah ugu jiraan khatar ah in la dilo, la dhaawaco ama lagu khasbo barakac.

Dagaalka u dhexeeya ciidamada dowladda Suudaan iyo ciidamada gurmadka degdegga ah ee RSF ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo badqabka shacabka, iyadoo hay’adaha Qaramada Midoobay ay ku baaqayaan in la ilaaliyo dadka rayidka ah isla markaana la fududeeyo gaarsiinta gargaarka bini’aadantinimo.

UNICEF ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada dagaallamaya inay ilaaliyaan carruurta iyo dadka rayidka ah, isla markaana ay suurtageliyaan in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo dadka ku go’doonsan El-Obeid, iyadoo ka digtay in haddii dagaalladu sii socdaan ay sii kordhi doonaan khasaaraha bani’aadantinimo.