Dowladda Qatar ayaa si kulul u cambaareysay weerarradii ugu dambeeyay ee Iiraan ay ku qaaday dhulkeeda iyo dalal kale oo gobolka ka tirsan, iyadoo ku tilmaantay xadgudub halis ku ah madax-bannaanida dalalka iyo amniga gobolka.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa lagu sheegay in sii socoshada weerarradan ay ka dhigan tahay khatar weyn oo sii adkeyn karta dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu doonayo in lagu dejiyo xiisadda Bariga Dhexe.
Dowladda Qatar waxay sheegtay in weerarradan ay sii fogeynayaan rajada laga qabo xal nabadeed oo lagu xalliyo colaadda taagan.
Qatar ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, ayna ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta ballaarinta dagaalka, iyadoo ku adkaysatay in wadahadal iyo xal diblomaasiyadeed ay yihiin waddada keliya ee lagu xaqiijin karo xasilloonida gobolka.
Hadalka Doha ayaa imaanaya xilli ay sii xoogeysanayaan iska horimaadyada militari ee u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, kuwaas oo saameyn ku yeeshay dalal badan oo Khaliijka ah. Weerarradii ugu dambeeyay ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in colaaddu isu beddesho dagaal ballaaran oo saameeya amniga iyo dhaqaalaha gobolka.