U bood dhigaalka

Madaxweynaha Waqooyi Bari oo kormeer ku tegay fadhiisinka ciidamada Daraawiishta ee Sallinta

Luuliyo 28, 2026

Madaxweynaha maamulka Waqooyi Bari, Cabdiqaadir Axmed Aw-cali, ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay fadhiisinka ciidamada Daraawiishta ee deegaanka Sallinta, halkaas oo uu kula kulmay saraakiisha iyo ciidamada ku sugan furimaha difaaca.

Madaxweynaha ayaa markii uu gaaray saldhigga salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta, isagoo sidoo kale gacan qaaday askarta, kuna ammaanay doorkooda ku aaddan sugidda amniga iyo difaaca deegaannada Waqooyi Bari.

Intii uu booqashada ku jiray, Madaxweyne Cabdiqaadir ayaa kulan la yeeshay saraakiisha ciidamada, isagoo kala hadlay xoojinta feejignaanta amni, diyaar-garowga ciidamada iyo sida looga jawaabi karo khatar kasta oo amniga wax u dhimi karta.

Waxa uu sidoo kale bogaadiyey naf-hurnimada ciidamada Daraawiishta ee ay ku ilaalinayaan shacabka iyo deegaannada ay masuulka ka yihiin, isagoo ballanqaaday in dowladdu ay dhammaystiri doonto xuquuqda ciidamada iyo dib-u-habaynta hay’adaha amniga, taas oo uu sheegay inay mareyso heerarkii ugu dambeeyay.