U bood dhigaalka

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo u ambabaxay Kampala ka hor safarka Madaxweyne Xasan Sheekh

Luuliyo 28, 2026

Wasiirka Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa u ambabaxay magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda.

Safarkooda ayaa hordhac u ah wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo la filayo inuu maalmaha soo socda gaaro Kampala si uu uga qayb galo shir muhiim ah oo looga hadlayo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Shirka ayaa diiradda lagu saari doonaa qiimeynta xaaladda amniga Soomaaliya, doorka howlgalka Midowga Afrika ee taageerada ciidamada Soomaaliyeed, iyo qorshayaasha la xiriira marxaladaha xiga ee howlgalka, iyadoo sidoo kale la filayo in madaxda ka qaybgalaysa ay ka wada hadlaan xoojinta iskaashiga amniga iyo dardargelinta la dagaallanka kooxaha argagixisada.