Ciidanka Kumaandooska DANAB ee ka howlgala Puntland ayaa soo saaray war-saxaafadeed ay kaga digeen suura-galnimada inuu dagaal ka qarxo deegaannada Puntland, iyagoo sheegay inay jiraan warar la xiriira weerarro lagu qaadi karo ciidanka PSF.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in khilaafka ka jira Puntland uu yahay mid siyaasadeed, islamarkaana aanu ka dhalan hanjabaad dibadda uga timid maamulka.
DANAB sidoo kale, waxay eedeyn u jeediyeen Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ku sheegay inuu mas’uul ka yahay hurinta xiisadaha iyo suuragalnimada dagaal sokeeye oo ka dhex dhaca ciidamada Puntland.
Waxay ku baaqeen in laga fogaado tallaabo kasta oo horseedi karta dhiig daadasho iyo iska horimaad dhexmara ciidamada.
Ciidanka DANAB waxay xuseen doorka ay sannado badan ka qaadanayeen sugidda amniga Puntland, iyagoo sheegay inay yihiin ciidan u adeega shacabka Puntland.
Xiisadda siyaasadeed ee Puntland ayaa weli taagan, iyadoo bulshada iyo dhinacyada siyaasadda ay ugu baaqayaan madaxda inay khilaafaadka ku xalliyaan wada hadal si looga baaqsado isku dhac iyo xaalad amni darro, xilli Maamulka Deni uu ciidamo ku daabulayo gobolka Mudug.