U bood dhigaalka

Xuutiyiinta oo beeniyay inay lacag ku soo rogi doonaan maraakiibta mara Badda Cas

Ogoosto 1, 2026

Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa si rasmi ah u beenisay wararka sheegayay inay qorsheynayaan inay lacag ka qaadaan maraakiibta ku goosha marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Bab al-Mandab, iyagoo caddeeyay in marinkaasi uu weli u furan yahay maraakiibta si lacag la’aan ah.

Bayaan ay soo saareenXuutiyiintu ayaa lagu sheegay in adeegga ay ugu yeeraan “maritaanka nabdoon” uu yahay mid ikhtiyaari ah isla markaana aan wax lacag ah laga qaadin.

Xuutiyiinta ayaa sidoo kale uga digtay shirkadaha maraakiibta inaysan wax lacag ah siin ama xog u gudbin cid aan si rasmi ah uga tirsanayn dhankooda, iyadoo sheegtay in cid kasta oo lacag dalbanaysa aysan matalin maamulka Xuutiyiinta.

Hadalkan ayaa yimid kadib markii wakaaladda wararka ee Reuters ay daabacday war sheegaya in Xuutiyiintu ay ka fiirsanayeen inay canshuur ku soo rogaan maraakiibta isticmaasha marin-biyoodka Bab al-Mandab.

Warbixinta Reuters ayaa soo xiganaysay ilo gobolka ah oo sheegay in arrintaasi lagala hadlay mas’uuliyiin Iiraan ah intii lagu jiray booqasho ay wafdi Xuutiyiin ahi ku tageen Tehran bishii Luulyo.

Marin-biyoodka Bab al-Mandab ayaa ah marin muhiim u ah isu socodka ganacsiga caalamiga ah, isagoo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Maraakiibta sida shidaalka iyo badeecadaha u kala goosha Aasiya, Yurub iyo Bariga Dhexe ayaa si weyn ugu tiirsan marinkan.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Yemen ee caalamku aqoonsan yahay ayaa hore u sheegay in Xuutiyiintu ay doonayaan inay ku daydaan habka ay Iiraan u maamusho marin-biyoodka Hormuz, halkaas oo ay muddooyinkii dambe ka jireen xiisado amni.