U bood dhigaalka

Dagaal Culus oo Ka Qarxay Gobolka Tigrey iyo Itoobiya iyo TPLF oo Isku Eedeeyay Bilaabista Weerarka

Ogoosto 2, 2026

Dagaallo culus ayaa dib uga qarxay gobolka Galbeedka Tigreega, ayadoo
Maamulka ku-meel-gaarka ah ee gobolka Tigree uu sheegay in ciidamada dowladda federaalka ay waaberigii weerar ka soo qaadeen dhanka magaalada Sheraro oo ku dhow xadka Suudaan.

Dhanka kale, wasiir  dowladda Itoobiya ka tirsan ayaa xaqiijiyay inuu dagaalku dhacay, balse wuxuu ku eedeeyay ciidamada daacadda u ah guddoomiyaha TPLF, Debretsion Gebremichael, inay ahaayeen kuwii bilaabay iska horimaadka.

Xiisadda u dhexeysa dowladda Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo TPLF ayaa sii xoogeysanaysay bilihii la soo dhaafay, iyadoo labada dhinac ay isku haystaan hirgelinta qodobbadii heshiiska Pretoria.

Mas’uuliyiinta Tigree ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe inay gobolka ku haysay go’doomin, weerarro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), isla markaana ay hadda u gudubtay dagaal furan.

Sidoo kale, Getachew Reda oo hore u ahaa afhayeenka TPLF, haddana la-taliye u ah Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ayaa ugu baaqay taliyeyaasha Ciidanka Difaaca Tigreega inay ka fogaadaan hoggaamiyaha TPLF Debretsion Gebremichael, isagoo ku eedeeyay inuu taageero ka raadinayo Eritrea iyo maleeshiyaadka Fano ee gobolka Amxaarada si uu mar kale awoodda ugu soo laabto.

Khubarada arrimaha gobolka ayaa sheegay in dagaalkani uu yahay kii ugu halista badnaa tan iyo heshiiskii Pretoria, Waxayna tilmaameen in heshiiskaasi uu joojiyay dagaalkii hore, balse uusan xallin sababihii salka u ahaa colaadda u dhexeysa Mekelle iyo Addis Ababa.

Dagaalkii Itoobiya iyo Tigree ee billowday sanadkii 2020 ayaa sababay dhimashada boqolaal kun oo qof, barakaca malaayiin kale iyo burbur baahsan. Inkastoo heshiiskii Pretoria lagu soo afjaray dagaalkaas, haddana muranno la xiriira hub ka dhigista ciidamada, maamulka gobolka iyo sharciyadda TPLF ayaa weli taagnaa.