U bood dhigaalka

Muhaajiriin badan oo dib loogu celiyay Marooko kadib markii ay ku hungoobeen rajadii ay ka qabeen tagaan Spain

Ogoosto 2, 2026

Kumannaan muhaajiriin ah oo toddobaadkan si dabaal uga tallaabay xadka u dhexeeya Morocco iyo magaalada Ceuta ee ay Spain maamusho ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan Marooko, kadib markii ay sheegeen inay la kulmeen gaajo, daal iyo xaalado adag oo meesha ka saaray rajadoodii ahayd inay nolol cusub ka bilaabaan Yurub.

Muhaajiriinta ayaa sheegay in ay go’aansadeen inay u dhaqaaqaan Ceuta kadib markii ay baraha bulshada ku arkeen muuqaallo iyo fariimo muujinayay in xadka si fudud looga gudbi karo, taasoo ku dhiirrigelisay kumannaan qof inay halis u galaan safarka.

“Waxaan u nimid mustaqbal wanaagsan”
Brahim oo ka shaqayn jiray warshad rooti lagu sameeyo kana yimid magaalada Fez ee Morocco ayaa sheegay inuu shaqadiisii ka tagay si uu u gaaro Spain, balse uu si weyn ugu niyad jabay wixii uu halkaas ku arkay.

“Waxaan u nimid inaan horumar samayno, ee ma ahayn in nala khiyaaneeyo, waxaan moodayay inaan dhisan doono mustaqbal wanaagsan, laakiin Ceuta waxaan kala kulmay wax aanan filayn,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray inuu saddex maalmood ku noolaa biyo keliya, maadaama uusan awoodin qiimaha sare ee cuntada lagu iibinayay magaalada.

Muhaajiriin badan oo dib ugu  laabtay magaalada Fnideq ee dhinaca Morocco ayaa sheegay in dukaamo badan iyo suuqyo ay xirnaayeen, taasoo ka dhigtay mid adag inay helaan cunto iyo biyo.

Mid ka mid ah dadka dib ugu laabtay Morocco ayaa sheegay in Ceuta ay ahayd sidii xabsi oo kale, wax la qaban karayna aysan jirin.

Qaar kale waxay ku andacoodeen in lagu weeraray ama laga eryay xaafadda El Principe oo ay ku badan yihiin dadka asal ahaan ka soo jeeda Morocco, inkastoo warbaahintu aysan si madax-bannaan u xaqiijin sheegashooyinkaas.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Spain ayaa sheegtay in laba qof ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen laba weerar oo mindi loo adeegsaday, iyadoo booliisku xiray mid ka mid ah tuhmanayaasha.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay inaan la diiwaangelin wax dhimasho ah oo ka dhalatay rabshadaha tan iyo Khamiistii, ayadoo dhanka kale, ciidamada ammaanka ay sii xoojiyeen roondooyinka magaalada Ceuta, halka maqaayado iyo goobaha ganacsiga qaarkood ay dib u bilaabeen shaqadooda, inkastoo dukaamo badan ay weli xirnaayeen.

Shaqaale ka tirsan xarunta lagu qaabilo muhaajiriinta ee Ceuta ayaa sheegay in xaruntu ay buux dhaaftay, isla markaana aysan awoodin inay qaabisho dad kale, iyadoo lagu qiyaasay in kumannaan muhaajiriin ahi ay weli ku sugan yihiin magaalada.

Inkastoo muuqaallada lagu faafiyo baraha bulshada ay dad badan ku dhiirrigeliyaan safarka, haddana xaqiiqada dhabta ah ee ay la kulmaan ayaa noqota gaajo, hoy la’aan, amni darro iyo caqabado kale oo badan, taasoo ku khasabtay in tiro badan ay dib ugu laabtaan Morocco, halka qaar kalena ay weli rajeynayaan inay gaaraan nolol ka wanaagsan tan ay ka soo tageen.