Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu baajiyay weerar militari oo ballaaran oo la qorsheeyay in lagu qaado Iiraan, isagoo ku dooday in horumar laga gaaray wada-hadallada u dhexeeya dhinacyada isku haya xiisadda.
Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Truth Social ku sheegay in codsiyo uga yimid Iiraan iyo dalal kale oo Bariga Dhexe ay ku qanciyeen inuu hakiyo weerarka, maadaama, sida uu sheegay, xuduudaha heshiis la isku afgartay ay hadda muuqdaan.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska la filayo uu horseedi doono in si buuxda dib loogu furo Marinka Hormuz, oo ah marin-biyoodka ugu muhiimsan ee maraakiibta shidaalka caalamka, isla markaana uu soo afjari doono waxa uu ku tilmaamay halista barnaamijka nukliyeerka Iiraan.
Go’aanka Trump ayaa yimid maalin kadib markii warbaahinta Mareykanka ay sheegtay in Washington iyo Israa’iil ay ka fiirsanayeen weerarro lagu beegsanayo kaabeyaasha tamarta ee Iiraan.
Dhanka kale, dowladda Iiraan weli si rasmi ah ugama aysan jawaabin hadalka Trump, balse Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa hore ugu sheegay dhiggiisa Sacuudiga in weerar kasta oo uga yimaada Mareykanka ama Israa’iil uu la kulmi doono jawaab u dhiganta.
Warbaahinta Axios ayaa sidoo kale baahisay in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Mohammed bin Salman, uu telefoon kula xiriiray Trump, kana codsaday inuu joojiyo qorshaha weerarka isla markaana dib loogu laabto wadahadallada, sida uu sheegay ilo xog ogaal ah.
Dhinaca ammaanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa soo saartay digniino cusub oo ku wajahan muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan 10 dal oo Bariga Dhexe ah, iyadoo ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, isla markaana ay ka fiirsadaan inay ka baxaan goobaha ay ku sugan yihiin sababo la xiriira xiisadda sii kordheysa.
Xiisadda u dhaxaysa Mareykanka iyo Iiraan ayaa sii xoogeysatay toddobaadyadii u dambeeyay, iyadoo Trump uu Jimcihii sheegay in Mareykanku uu Iiraan si aad u adag u beegsan doono haddii xaaladdu sii xumaato.