U bood dhigaalka

Iiraan oo sheegtay inay wada-hadal kula jirin Mareykanka

Ogoosto 3, 2026

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in aysan xilligan wax wada-hadal ah kula jirin Mareykanka, iyadoo meesha ka saartay warar sheegayay in labada dal ay dib u billaabayaan wada-xaajoodyo.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iiraan, Esmaeil Baghaei, ayaa sheegay in wada-hadallada keliya ee socda ay la leeyihiin dowladda Cumaan, isla markaana ay diiradda saarayaan arrimaha marinka istaraatiijiga ah ee Hormuz.

Baghaei wuxuu carrabka ku adkeeyay in wada-xaajoodyadan aysan wax xiriir ah la lahayn Mareykanka, balse ay yihiin wada-hadallo laba geesood ah oo u dhexeeya Tehraan iyo Muscat, kuwaas oo looga hadlayo habraacyada maraakiibta uga gudbi kara marin-biyoodka Hormuz.

Hadalka Iiraan ayaa yimid saacado kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in wareeg cusub oo wada-hadallo ah uu la bilaaban doono Iiraan gelinka dambe ee Isniinta maanta ah , arrintaas oo Tehraan ay si cad u beenisay.