U bood dhigaalka

Wada-hadallo cusub ee u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan oo maanta billaabanaya

Ogoosto 3, 2026

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaaciyay in Isniinta ay bilaaban doonaan wada-hadallo cusub oo u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan, kaddib markii uu dib u dhigay qorshe weerar militari oo ballaaran si fursad loo siiyo xal diblomaasiyadeed.

Trump ayaa sheegay in Mareykanku uu qorsheynayay inuu qaado waxa uu ku tilmaamay “weerarkii ugu weynaa tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka”, balse uu hakiyay qorshahaas kadib markii ay dalalka xulafada la ah Mareykanka iyo Iiraan ku boorriyeen in wada-xaajoodka la hormariyo.

Isagoo la hadlayay wariyeyaasha saarnaa diyaaradda Air Force One, Trump wuxuu sheegay in Iiraan ay ka warqabtay diyaargarowga weerarka, taasina ay sababtay inay muujiso rabitaan ay ku gasho wada-xaajood.

“Waxaan hadda la hadlaynaa Iiraan qaab wada-xaajood ah, waxaana wada-hadalladu bilaabanayaan berri galab,” ayuu yiri Trump.

Madaxweynaha Mareykanka ma uusan shaacin halka lagu qaban doono wada-xaajoodyada iyo cidda si rasmi ah uga qeyb geli doonta.
Xulafada oo codsaday in weerarka la baajiyo

Trump ayaa sheegay in dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Qatar ay ka codsadeen inuu hakiyo weerarka qorsheysan, iyagoo aaminsan in xal siyaasadeed la gaari karo.

Sidoo kale, Dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Maxamed Bin Salmaan, ayaa lagu soo warramay inuu Trump uga digay cawaaqibka ka dhalan kara weerar cusub oo ka dhaca gobolka.

Trump wuxuu tilmaamay in marka hore la rajeynayo heshiis laga gaaro marin-biyoodka muhiimka ah ee Hormuz, ka dibna loo gudbo heshiis ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iiraan.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, Cabbaas Araghchi, ayaa wada-hadallo dhinaca telefoonka ah la yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda Sacuudiga Amiir Faysal bin Farxaan iyo Taliyaha Ciidanka Pakistan Asim Munir.

Mas’uuliyiintan ayaa ka wada-hadlay dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida Bariga Dhexe, iyadoo Iran ay sidoo kale sheegtay in wadaxaajoodyada ay la leedahay Cumaan ee ku saabsan marin-biyoodka Hormuz ay marayaan heerarkii ugu dambeeyay.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran ayaa sheegay in wada-xaajoodyadaasi ay quseeyaan waddo cusub oo maraakiibtu u mari karaan Hormuz, isla markaana aysan la xiriirin furitaanka ama xiritaanka marin-biyoodka.

Kadib markii Trump uu hakiyay qorshihii weerarka, qiimaha shidaalka caalamka ayaa si weyn hoos ugu dhacay.

Saliidda Brent ayaa hoos u dhacday ku dhowaad 4.6%, iyadoo gaartay $83.85 halkii foosto.

Saliidda West Texas Intermediate (WTI) ayaa iyana hoos u dhacday 4.7%, iyadoo gaartay $80.66 halkii foosto.

Hoos u dhaca qiimaha shidaalka ayaa yimid iyadoo suuqyadu ay filayaan in xiisadda gobolka ay yaraato haddii wadaxaajoodyadu mira dhal noqdaan.

Wada-hadalladan cusub ayaa ah isku day lagu dejinayo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Iiraan, taas oo muddooyinkii dambe saameyn ku yeelatay amniga Bariga Dhexe iyo suuqyada tamarta caalamka.

Inkastoo Trump muujiyay rajo laga qabo heshiis, weli lama oga in wadaxaajoodyadu horseedi doonaan heshiis waara oo soo afjara khilaafka u dhexeeya labada dal.